Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay kireyn doonto warshadaha sonkorta si dib u soo nooleyn loogu sameeyo .
Madaxweyne Ruto ayaa sida oo kale sheegay in dowladdu ay xaqiijin doonto in si taxadar leh loo maamulo warshadaha si loo ilaaliyo danaha beeralayda.
Mr Ruto ayaa carabka ku dhuftay in agabka laga helo waxayaha gaarka loo leeyahay uu wax weyn ka tari doono tayeynta xarumaha warshadaha si kor loogu qaado hufnaanta.
Madaxweyne Ruto oo warbaahinta kula hadlay kollejiga tababarka farsamada gacanta iyo xirfadaha Migori President Ruto ayaa wuxuu digniin adag u diray shaqsiyaadka curyaaminayaan wershadaha sonkorta ee dalka .
Dhanka kale xildhiibaanka laga soo doortay deegaan barlamanaeedka Uriri Mark Nyamita ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha gobolka Nyanza ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda madaxweyne Ruto