Hogaamiyayaasha ismaamulka Garissa ayaa walaac ka muujiyay kororka isticmaalka maandooriyaha iyo mukhaadaraadka.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaanka Bartmaha Garissa Deeqow Maxamed oo ka hadlay shir ka dhacay Jaamacadda Garissa ayaa sheegay in waxyaabo badan oo xumaan ah oo bulshada dhexdeeda ka jira ay ka dhashaan shaqo la’aanta.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay gavanaha Garissa Nathif Jaamac, wakiilka haweenka ee ismamaulkan Udgoon Siyaad waxayna sheegeen in dowladdu ay rajaynayso in macahadyada Farsamada gacanta iyo Tababaro uu yahay mid muhiim u ah wax ka bedelka nolosha dhalinyarada iyadoo loo marayo tababaro xirfadeed.
Gavana Natiif Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada kauntiga ay ka caga jiidaan ku biirista kuliyadaha tababarka farsamada gacanta inkasta oo aad loo qalabeeyay.
Agaasimaha guud ee golaha qaran ee tirakoobka iyo horumarinta dalka Dr. Maxamed Sheekh ayaa sheekh in shirkan uu ku soo beegmay xili loo baahnaa, waxaana uu kula dardaarmay dhalinyarada inay bartaan xirfado u sahli kara inay si fiican uga faa’ideystaan shaqo raadinta.