Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, isaga sheegay in uu isagu soo abaabulay fashilkiisa siyaasadeed.
Isaga oo ka hadlayay ismamaulka Vihiga Axadii, ayuu Raila sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore uu si fagaare ah ugu faanay ujeedadiisa ah inuu ka hortago isku day kasta oo lagu doonayo in lagu soo afjaro kala qeybsanaanta siyaasadeed.
Odinga ayaa si gaar ah u xusay hadalkii Gachagua ee ahaa in dabinno uu u dhigay Aqalka Madaxtooyada si looga hor istaago madaxa ODM isku day kasta oo uu kula heshiinayo mdaxweyne Wiliam Ruto.
Hoggaamiyaha mucaaradka oo isha ku haya in uu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika sanadka soo socda ayaa baarlamaanka ku canaantay inuu dhimo lacagaha dakhliga ee la siiyo ismaamulada dalka