Madaxweyne William Ruto ayaa mar kale ku adkaystay in afduubka dadka aan laga aqbali doonin gudaha dalkani Kenya.
Madaxweynaha oo shalay jeedinayay khudbadiisa qaranka ee xaruunta baarlamaanka ayaa sheegay in inkasta oo dad badan ay faafiyeen in dad lagu waayey mudaaharaadyadii dalka ka dhacay, haddana tiro ka mid ah kiisaskaas la xaliyey, halka qaar kalena la ogaaday inay yihiin warar been abuur ah, oo aan ahayn kiisas dhab ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabo kasta oo xad-dhaaf ah ama sharci-darro ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka, isagoo sheegay in Hay’adda Madaxa-bannaan ee Kormeerka ku sameysa Booliiska ee IOPA ay baarayso kiisaskan .
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in inkastoo mudaaharaadyadu ay yihiin kuwo sharci ah sida uu qabo Dastuurkaka dalka hadana ay tahay in laga digtoonado dambiilayaasha ku soo dhex dhuunta mudaaharaadyada nabada ah, khatarna geliya badbaadada shacabka.