Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Dowladda Dhexe iyo Ismaamulada oo Heshiis Ka Gaaray Bixinta Deynta KEMSA

Dowladda Dhexe iyo Ismaamulada oo Heshiis Ka Gaaray Bixinta Deynta KEMSA

23
0

Dowladda dhexe iyo tan ismaamulada ayaa heshiis ku gaaray bixinta deynta ay ku leedahay hay’ada qeybisa agabyada caafimaadka ee KEMSA.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Wundanyi, ee ismaamulka Taita-Taveta, halkaas oo ku tagay socdaal ballaaran oo lagu hirgelinayay mashaariic kala duwan ayuu madaxweyne William Ruto shalay sheegay in kowntiyada ay bixin doonaan 2 bilyan oo shilinka dalka ah, halka dowladda qarankuna ay ku taakuleyn doonto 1.5 bilyan oo shilinka dalka ah si loo xaqiijiyo in isbitaallada ay helaan dawo ku filan.

Wuxuu sharaxay in tani ay suurtagelin doonto guusha ay xukuumadda hiigsanayso ee daryeelka caafimaadka guud ee loo yaqaano Taifa Care.

Madaxweyne Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay Dowladda Qaranka in ay abuurto xiriir wada shaqeyn oo xooggan oo lala yeesho dowlad goboleedyada si daka loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa uu ku booriyay dhamaan Kenyaanka inay iska diiwaan geliyaan caymiska cusub ee caafimaadka si qof walba uu uga fa’ideysto adeegyada kala duwan iyada oo aan loo eegin xaalada dhaqaale.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo dhammaan madaxda, iyadoo aan loo eegin halka ay taabacsan yihiin siyaasada, si loo ciribtiro qabyaalada iyo nacaybka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here