Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Israa’iil iyo Qaza inay joojiyaan iska horimaadyada dhimashada badan dhaliyayee bilowday 7-dii Oktoobar markii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerar lama filaan ah ka geysteen gudaha Isreal.
Ururka Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray oo ku qornaa luuqadaha Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa waxaa uu ku sheegay in iska horimaadyadan ay salka ku hayaan diidmada xuquuqaha aasaasiga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan in ay noqoto dal madaxbannaan .
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa ka codsaday labada dhinac inay joojiyaan colaadda milateri ayna ku soo laabtaan miiska wada hadalka