Home Ganacsiga (business ) Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo u balan qaaday beeralayda...

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo u balan qaaday beeralayda Avocado-da in arrimaha ay ka cabanayaan wax laga qaban doono

105
0

Madaxweyne ku xigeenka dalka  Rigathi Gachagua ayaa u balan qaaday beeralayda Avocado-da  in arrimaha ay ka cabanayaan wax laga qaban doono isla markana ay dowlaadda hubin doonto  in ay helaan dakhliga ugu wanaagsan ee beerahooda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in la dhisi doono Guddi-hawleed si qoto dheer u baara  arrimaha saameeya beeraleyda  Avocado-da si ay uga faa’iidaystaan beeralayda.

Madaxweyne kuxugeenka oo shalay kulan la yeeshay  Daneeyayaasha Avocado-da  ayaa  sheegay in Dawladdu ay ka shaqaynayso sidii loo dhiiri galin lahaa beeraleyda.

Madaxweyne kuxugeenka ayaa sheegay in dib uu eegis horleh lagu sameyn doono sharciga maaliyadda ee 2023-da kaasi oo dhigaya in beeraleyda la canshuuro.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in guddiga loo xilsaaray  ay soo jeediyaan talloyin cusub oo ku aadan qaabka sharcigan loo hirgalin doono.

Xubnaha Guddi-hawleedku ayaa ka koobnaan doona beeralayda khudaarta, kuwa wax dhoofiya, suuqlayda, hawl-wadeennada khadka maraakiibta iyo saraakiisha dawladda ee laga soo kala xulayo wasaaradaha iyo waaxaha ay khusayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here