Dawladda ayaa bilawday Baaritaan Guud oo ka dhan ah Soo saarayaasha Khamriga.
War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha wasaarada arrimaha Gudaha Dr. Raymond Omollo ayuu ku sheegay in kooxo gaar ah oo kala duwan loo xilsaaray si ay hormuud ugs noqdaan hawshaani.
Xoghayaha ayaa sheegay in dhammaan shatiyada xaruumada lagu soo saaro alkolada iyo soo saarayaasha ay wali hakad ku jiraan, iyadoo la sugayo habraac sax ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo oo diirada lagu saarayo soo saarayaasha , iyadoo in ka badan 29 xaruun la filayo in lagu sameeyo baadhitaan.
Omollo ayaa caddeeyey in hawsha xaqiijinta uu waajibinayo in soo-saarayaashu ay sameeyaan shaybaadhada xakamaynta tayada oo ku qalabaysan qalab baadhiseed oo khaas ah iyo shaqaale aqoon leh, hubinta in si adag loo baadho alaabta ceyriinta ah iyo alaabta dhammaatay.