Madaxweyne William Ruto ayaa Maanta saxiixay sharciga guryaha qiimaha jaban ee ay dowladda dhiseyso.
Madaxweynaha ayaa sharcigan ku saxiixay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, taasoo u gogol xaareysa soo celinta canshuurta guryaha ee 1.5 boqolkiiba ee laga jaro shaqaalaha dowladda.
Madaxweynaha oo hadlay ansixinta hindise sharciyeedka ka dib, ayaa sheegay in ugu yaraan 500,000 oo dhalinyaro ah laga shaqaaleysiin doono mashruucan dhamaadka sanadkan.
Waxa uu sheegay in mashruucan uu sidoo kale xaqiijin doono in la helo dhul ku filan beeraha iyo wax soo saarka cuntada.
Sharcigu waxa uu sido kale dejin doona qaab-dhismeedka ururinta cashuurta guryeynta la awoodi karo iyo hirgelinta barnaamijka guryaha la awoodi karo.
Sharciga ayaa qeexaya doorka Dowladdaha ismaamulada ee mashruucan, shuruudaha u-qalmitaanka iyo habka codsiga.
Waxay xustay in mudnaanta la siin doono meelaha isku raranta ah si loo dhiso guryaha la awoodi karo.