Home Ciyaaraha (sports) Bukayo Saka Oo Sababay Khilaaf U Dhexeeya Arsenal Iyo Xulka Ingiriiska

Bukayo Saka Oo Sababay Khilaaf U Dhexeeya Arsenal Iyo Xulka Ingiriiska

210
0
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sheegtay, in aanay macquul ahayn in xiddiga kooxdiisa ee Bukayo Saka uu u ciyaaro xulka Ingiriiska kulamada caalamiga ah ee Jimcaha iyo usbuuca dambe, waxaana uu kasoo horjeedsaday go’aanka tababare Gareth Southgate uu ugu yeedhay laaci bkan.
Arsenal iyo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa u muuqda in ay isku khilaafsan yihiin xaaladda dhaawaca laacibkan oo awoodi waayey in uu ciyaaro kulankii Axaddii ay Arsenal 1-0 kaga adkaatay Man City.
22 jirkan oo garoonka laga saaray qaybta hore ee ciyaartii Champions League ee Lens ayaa uu hore u sheegay Mikel Arteta in uu tababarka kusoo laabtay, ka hor intii aan laga saarin liiska kooxda gellinkii dambe ee Axaddii.
Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in Bukayo Saka aanu awoodi karayn in uu ciyaaro waqtigan, isla markaana aanu xataa qayb ka noqon karaynin xulka qaranka England ee lagu daray, waxaanu dalbaday in laga saaro liiska xulka Ingiriiska.
“Wax kubbad ah ma ciyaari karayo waqtigan” Ayuu yidhi Mikel Arteta oo la hadlayay saxaafadda kaddib ciyaartii xalay, laakiin tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa isaguna sheegay in aanu wax khatar ah gelin doonin laacibkan.
Xulka qaranka England ayaa waxa uu Jimcaha la ciyaari doonaa kulan saaxiibtinimo waddanka Australia, ka hor inta aanay Salaasada usbuuca dambe iska hor imanin Talyaaniga oo ay ku ballansan yihiin isreeb-reebka Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here