Ugu yaraan 10 madaxweynayaal oo dalalka qaaradda Afrika ka kala socda ayaa ku sugan dalka.
Madaxdan ayaa ka qaybgalaya Shir Madaxeedka 5-aad ee Isuduwidda Dhexdhexaadka-sannadka ee Midowga Afrika ee Xafiiska Madaxda Dalalka Midowga Afrika, Guddoomiyeyaasha Bulshooyinka Dhaqaalaha Gobolka & Farsamooyinka.
Kulanka ayaa halkudhigiisu yahay sannadkaan “Dardargelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) waxaana looga golleeyahay in lagu qiimeeyo heerka is-dhexgalka qaaradda iyo isku-dubarid dadaallada lagu dardargelinayo geeddi-socodka is-dhexgalka.
Shalay, Madaxa dalka ayaa qaabilay Madaxweynaha Comoros Azzali Assoumani, hoggamiyaha Gabon Ali Bongo , dhigiisa Masar Abdel Fattah Al Sisi , Macky Sall oo ah madaxweynaha Senegal, Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti iyo Bola Ahmed Tinubu ee Nigeria.
Wasiirkaa ee Dhulka, Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, Zachariah Njeru ayaa garoonka caalmiga ah ee diyaaradaha ee JKIA ku qaabilay Madaxa Golaha Madaxtooyada Liibiya Maxamed al-Menfi.
Madaxda kale ee ka qeyb galaya shirkan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Gabon, Masar, Comoros, Botswana, Senegal, Chad, Burundi (sidoo kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Bariga Afrika), Algeria, DRC iyo Jabuuti.