Waaxda dawladda ee Adeegyada Asluubta ayaa ilaa hadda sheegtay inay guul ka gaartay dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo ciriiriga xabsiyada ka jira iyadoo la sii daaynayo in ka badan 23,000 oo maxaabiis ah oo loo haystay dembiyo fudud.
Xoghayaha waaxdan, Salome Muhia Waxaa ay sheegtay in hawlaha lagu yareenayo saxmadda lagu qabtay xarumaha kala duwan ee asluubta si loo hubiyo in maxaabiista iyo shaqaalaha xabsigu ay ku noolaadaan jawi wanaagsan.
Ms. Muhia ayaa carrabka ku dhufatay in waaxdu ay qorsheyneyso in ay dib u eegis dheeraad ah ku sameyso xukunnada 5,000 oo maxbabiis ah oo dheeraad ah si loo gaaro hadafka ah sii deynta in ka badan 35,000 oo maxbuus dhammaadka sannadkaan 2023-ka.
Waxaa ay intaasi ku dartay in ilaa 7,281 maxaabiis ah oo dambiyadoodu fudud yihiin la sii daayay bishii Saddexaad ee sanadkan.
Muhia oo booqasho rasmi ah ku tagtay dhammaan xarumaha xabsiyada ee ismaamulka Kisumu, ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto hay’adaha garsoorka iyo daneeyayaasha kale ee nidaamka cadaaladda si looga faa’ideysto awaamiirta adeegga bulshada, asluubta, iyo fursadaha kale si loo yareeyo ciriiriga xabsiyada ee guud ahaan dalka.