Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheeegay in dawladdu ay isbuucaan bilaabi doonta bixinta lacagaha ay ku leeyihiin saraakiisha imtixaanka ee ka tirsan Guddiga Qaran ee Imtixaanadka dalka ee KNEC.
Wasiirka ayaa xusay in ilaa 2 bilyan oo shilin loo qoondeeyay isla markaana la xaqiijin doona in lacagaha ku dhiman wasaaradda ay siiso saraakiisha imtixaanka ee KNEC iyo alaab qeybiyaasha.
Isaga oo ka hadlayay dugsiga Kangaru ee ismaamulka Embu, Mr Machogu ayaa ku nuxnuxsaday in mustaqbalka ay wasaaraddisu ka shaqeyn doonta in dhaqso la siiyo lacagahaa dhamaan saraakiisha imtixaanka ee KNEC.
Sidokale waxaa uu ka dhawaajiyay in golaha uu wajahayay dhaqaale yari taas oo sababtay in lix bilood ay ka soo wareegto tan iyo markii ay shaqada soo gabagabeeyeen saraakiisha iyaga oo aan lacagahoda la siin.
Wasiir Machoogu waxaa uu bidhaamiyay in isbuuci la soo dhaafay ay lacagahooda siiyeen qandaraaslayashii dhisayay fasalada manhajka cusub ee CBC.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay shaqaaleysiin doonto 24,000 oo macalimiin ah sanad maaliyadeedkan, isaga oo xusay in 36,000 oo macalimiin ah horeba loo shaqaaleysiiyay sanadkii hore.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa bogaadiyay maalinta waxbarashada ee uu soo qaban qaabiyay xildhibaanka deegaanka, Gitonga Mukunji, kaas oo ardayda dugsiyada sare u siinayo fursad ay ku xushaan shaqooyinka mustaqbalka.
Wasiirka ayaa ugu baaqay deeganada kale in ay ku daydaan si ay ardayda ugu diyaariyaan aqoon xirfadeed oo wakhti hore ah iyada oo loo eegayo xirfadahooda iyo kartidooda.