Xoghayaha wasaaradda biyaha Idris Salim Dakota ayaa ugu baaqay dawlad goboleedyada inay la shaqeeyaan dawladda dhexe si loo horumariyo helida biyaha.
Isaga oo ka hadlayay dugsiga hoose dhexe ee Shiseno ee deegaan baaralamaneedka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega, xoghayaha ayaa xusay in hagaajinta ceel-biyood ay u horseedi tuulooyinka helida adeegyo muhiim ah.
Dakota ayaa ka dhawaajiyay in guud ahaan dalka laga hirgelinayo ilaa 13 barnaamij oo biyo ah.
Guddomiyaha horumarinta waaxda dooxoyinka harada ee Lake Basin Development James Dianga ayaa sheegay in hay’aadu ay ka shaqeenayso in dadka ay biyo helaan.
Wakiilka deegaanka hoose ee Bariga Idakho Sila Shiyenzi ayaa sheegay in golaha kowntiga ay kala shaqeynayaan maamulka ismaamulkaa Kakamega sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo la cabo.