Home Wararka Caalamka(international news Vladimir Putin oo markale sheegay in tallabada ay wadamada reer Galbeedka hubka...

Vladimir Putin oo markale sheegay in tallabada ay wadamada reer Galbeedka hubka ugu siinayaan Ukraine aysan waxba ka beddeli doonin dagaalka halkaasi ka socda

173
0
Russian President Vladimir Putin attends a meeting with parliamentary leaders in Moscow, Russia July 7, 2022. Sputnik/Aleksey Nikolskyi/Kremlin via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku celceliyay in tallabada ay wadamada reer Galbeedka hubka ugu siinayaan Ukraine aysan waxba ka beddeli doonin dagaalka halkaasi ka socda.

Putin oo hadal ka jeediyay taleefishanka qaranka maalinkii Khamiista ayaa sheegay in ka mid noqoshada Ukraine ee gaashan buurta NATO ay khalkhal ku tahay amniga wadankiisa.

Sidokale waxaa uu xusay in hubka reer Galbeedka ay siiyeen Ukraine ay kaliya sii abuurtay xiisad kale isla markaana ay sii daba dheereysay dagaalka.

Hadalka Putin ayaa ku soo aadaya iyada oo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in Ruushka looga adkaaday dagaalka isla markaana uu ku qasbanaan doona inuu ku soo laabto miiska wadahadlka.

Biden ayaa sidokale rajo wanaagsan ka muujiyay in mustaqbalka ay Ukraine mar un ku soo biiri doonta Gaahsan buurta NATO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here