Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Madxaweynaha dalka oo sheegay inuu xoojin doona xiriirka maalgashi ee wadanka Indonesia

Madxaweynaha dalka oo sheegay inuu xoojin doona xiriirka maalgashi ee wadanka Indonesia

167
0

Madaxweynaha dalka Wiliam Ruto ayaa sheegay in xukumadiisa ay ka shaqenayso sidii loo sameyn lahaa sharci ilalinaya sidii loo wanaajin lahaa jawiga maalgashi iyo midda ganacsi.

Isaga oo ka hadlayay aqalka madaxtooyada ee dalka, madaxweynaha  ayaa sheegay in dhaqan gelinta tallabooyinkan ay u horseedi doonta Kenya inay noqoto mid ka mid ah wadamada ugu wanaagsan dhanka maalgashiga ee guud ahaan caalamka.

Hoggaamiyaha dalka ayaa hadalkan jeediyay xili uu gelinkii danbe ee shaley uu la kulmay maalgashato ka socotay wadanka Indonesia oo uu hogaaminayo Wasiirka Isku xirka Arrimaha Badaha iyo Maalgashiga, Luhut Binsar Pandjaitan.

Wafdigan ayaa dalka u jooga sidii ay u heli lahaayeen maalgashiga dhanka  saliidda iyo gaaska, , dharka, macdanta, beeraha iyo dawooyinka taasoo qayb ka ah xoojinta xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee Kenya iyo Indonesia.

Indoneisa ayaa ah wadanka saliida qumbaha ugu badan soo saaro guud ahaan caalamka waxaa ayna dawladda ka caawin doonaan sidii dalka uu u heli lahaa saliid ku filan.

Wadahadalada ayaa ku qotomaya caawinta beerlayda qaar ka mid ah ismaamulada dalka sida Lamu, Kwale, Tana River, Taita Taveta, Homa Bay, Migori, Kisumu iyo Busia.

Kenya ayaa hadda dalka dibadiisa kala soo degtaa saliidan oo qiima ahaan dhan 1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah sannadkii iyadoo loo marayo shirkadaha  Bidco, Kapa Oil, Pwani Oil, Menengai, iyo Golden Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here