Ururka qaran ee saraakiisha caafimaadka ee dalka ayaa meesha ka saaray shaqa joojin ay ku dhawaaqeen kaas oo bilaaban lahaa maanta.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay heshiis la gaareen dawladda.
Ururka iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa isku afgartay in inay sii wadaan gorgortankii u socday.
Tani ayaa daba socotaa wadahadal dhex maray xogahayaha waaxda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni iyo saraakiisha Ururka qaran ee kalkaaliyaasha.
War qoraal ah oo ay soo dhigtay barta Twitterka, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in wadahadalada labada dhinac ay bilaaban doonaan 14-ka maalmood ee soo socda isla markaana heshiis wax ku ool ah la gaari doona 90 cisho gudaheeda.
Ururkan ayaa dawladda ku eedeeyay inay iska indha tirtay tabashooyinkooda kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqaaleysiinta 20,000 oo hawlwadeeno caafimaad ah sida ay horey u balan qaaday.
Sidokale marka laga soo tago dib u eegista mushaaraadka, waxaa ay doonayaan in dhigooda ku shaqeeya qandaraasyada dawlad goboleedka in si buuxda loo shaqaaleysiiyo.