Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Wadarta guud ee dhimahsada keynta Shakahola oo gaartay 384

Wadarta guud ee dhimahsada keynta Shakahola oo gaartay 384

201
0

Wadarta guud ee dhimahsada keynta Shakahola ayaa gaartay 384 ka dib markii saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista ee DCI-da ay soo saareen ilaa 12 meydad oo dheeraad ah.

Meydadkan dheeraadka ah ayaa lagu soo saaray wajiga afaarad ee hawlgalka lagu raadinayo dad dheeraad ah.

Meydadkan oo la aaminsan yahay inay yihiin qaar ka mid ah dadkii taabacsanaa baadariga lagu eedeeyay xasuuqan ee Paul Mackemzie ayaa laga helay ilaa toddobo qabuur oo ku yaala deegaanka Judaa.

Isku duwaha dawladda dhexe u qaabilsan gobolka Xeebta Rhoda Onyancha ayaa sheegtay in 95 qof la soo badbaadiyay, 37 la xiray halka 253 ay marayaan baaritaanada dheecaanka eel oo yaqaano DNA.

Baadariga ayaa lagu eedeeyay in dadkiisa uu ka dhaadhiciyay inay cuntada ka af xirtaan si ay ula kulmaaan Nabi Ciise.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here