Waaxda danbi baadhista ee (DCI) ayaa beenisay war uu daabacay wargeys maxali ah oo sheegaya in saraakiishooda uu watay baabuur aan taariko lahayn inay isku dayeen inay ka hor istaagaan madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua inuu tago kaniisad ku taal Nairobi.
Warbixin ay waaxda ku daabacday barta X, ayay DCI ku sheegtay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo gebi ahaanba been abuur ah, ayna u muuqdaan kuwo looga dan leeyahay in lagu been abuurto falalka iyo shaqada ay hayso hay’adda.
Waxaa ay ku adkaysatay waaxda in ay ku shaqeyso awaamirta uu dhigayo sharciga, waxa ayna si joogta ah u caddeysay in ay ka go’an tahay in ay ka fogaato faragelinta madax banaanida shaqsiyaadka iyo hay’adaha.
DCI-da ayaa ugu baaqday wargeyska in uu ilaaliyo cadaalada iyo ka run sheegida warbixintooda, gaar ahaan marka ay ka hadlayaan arrimaha ku lugta leh shaqsiyaadka magac leh iyo hay’adaha qaranka.