Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Wasiirka Deegaanka Aadan Ducaale Oo Ka Qaybgalaya Shirka COP 29 Ee Ka...

Wasiirka Deegaanka Aadan Ducaale Oo Ka Qaybgalaya Shirka COP 29 Ee Ka Furmay Azerbaijan

58
0

Wasiirka Deegaanka, Isbeddelka Cimilada, iyo Kaymaha, Aadan Ducaale, ayaa ku sugan magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, isgago  ka qeybgalaya shirka 29-aad ee Xisbiyada (COP 29), oo maanta furmaya.

Shirka COP 29  aya waxa ka  qeyb galaya  hoggaamiyeyaal kasoo kala jeeda wadamada caalamka ,khubarada  arimaha deegaanka,  si ay uga  hadlaan  arimaha isbedelka cimilada iyadoo diiradda la saarayo la qabsiga ,maalgelinta iyo  yaraynta saameynta isbedelka cimilada

Madaxa  wasiirada Musalia Mudavadi ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamo heer sare ah si loo xaqiijiyo in codka Kenya looga dareemo  wada hadalada caalamiga ah.

Wasirka deeganka  iyo isbedelka cimilada  ee dalkani kenya  Aden bare  Ducaale aya  dhankiisa la filayaa in uu u doodo taageero caalami ah oo la taaban karo iyo maalgelinta  isbedelka cimilada  si wax looga qabto saameynta baahsan  gaar ahan  dhanka beeraha, saadka biyaha, iyo xasilloonida dhaqaalaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here