Dhageysiga aragtida dadweynaha ee labada hindise sharciyeed ee canshuuraha ee ay soo jeedisey wasaaradda maaliyada ayaa maanta bilaabmaya.
Guddiga baarlamaanka ee Maaliyadda iyo Qorsheynta dhaqaalaha Qaranka ayaa maanta ku sugnaan doona ismaamulada Isiolo iyo Bungoma si ay hawsha u qabtaan.
Kenyaanka ayaa heli doonaa fursad ay ku dhibtaan aragtidooda ku aaddan sharciga wax ka beddelka ee canshuuraha ee 2024-ka, kaas oo soo jeedinaya in la soo uruuriyo in ka badan 178 bilyan oo shilin oo lacago canshuuro dheeraad ah ee miisaaniyadda 2024/2025-ka.
Canshuurahan cusub ee la soo jeediyay ayaa lagu doonaya in dib u eegis lagu sameyo dhammaan qeybaha canshuuraha waaweyn, sida canshuur dhaafka, canshuurta dakhliga qofka, iyo canshuuraha alaabada ee (VAT).
Kenyaanka ayaa sidoo kale fikradahooda ka dhiiban doona Xeerka Wax ka beddelka Hababka Canshuuraha ee 2024-ka, kaasoo soo jeedinaya in la kordhiyo Barnaamijka Cafiska Canshuuraha oo ku ekaa 30-kii bishii lixaad ee Juun 2024-ka lana gaarsiiyo illaa Juun 30-keeda, 2025-ka.
Muddo Kordhintan ayaa hadii ay meel marto u oggolaan doonta canshuur bxiiyaasha aan u hoggaansamin sharciga canshuuraha inay la kulmin ciqaab oo ay dib u sixi karaan.
Kenyaanka ayaa sidoo kale fursad u heli doona inay aragtidooda ka dhiibtaan afar hindise sharciyeedyo kale oo taabanaya dhaqaalaha guud, wax soo iibsiga iyo ganacsiga.
Dhageysiga aragtiyada dadweynaha ayaa lagu soo gabagabeyn doona Nairobi oo ka dhici doona xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenyatta International Convention Center (KICC).