Maamulka Tamarta iyo Batroolka ayaa ku dhawaaqay in markale hoos loo dhigay qiimaha shidaalka lagu iibsado ee dalka.
Maamulka ayaa sheegay in qiimaha petrol-ka iyo Diesel-ka hoos loo dhigay 5 shiliin litaarkii halka qiimaha gaaska hoos loo dhigay 4.82 litaarkii.
Qiimaha batroolka ee Nairobi ayaa hada maraya 207.36 litaarkii halka qiimaha diesel-ka uu maraayo 196.47 litaarkii iyada oo qiimaha gaaska uu maraayo 194.23 litaarkii.
qiimahan ayaa dib uu eegis lagu sameyn doona 30 maalmood kadib.
Qiimaha batroolka ee Mombasa ayaa hada maraya 204.3 liitarkii halka qiimaha diesel-ka uu marayaao 193.41liitarkii iyada oo qiimaha gaaska uu maraayo 191.05.
Maamulka ayaa sheegay in qiimaha cusub ay ku jiraan canshuurta VAT oo ah 16 boqolkiiba iyadoo la raacayo qodobada sharciga maaliyadda 2023-ka.
Agaasimaha guud ee maamulka Daniel Kiptoo ayaa intaa ku daray in qiimaha naaftada lagu kabay midka super petrol-ka.
Hoos u dhaca ku yimid qiimaha shidaalka bishii labaad oo xiriir ah ayaa laga yaabaa inay sabab u tahay hoos u dhaca ku yimid qiimaha saliida ceyriinka ee caalamka.