Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Ururka Dhakhaatiirta caafimaadka ee Kenya oo dalbaday in dhamaan Xubnaha Ururkaasi guryo...

Ururka Dhakhaatiirta caafimaadka ee Kenya oo dalbaday in dhamaan Xubnaha Ururkaasi guryo looga dhiso

120
0

Ururka Dhakhaatiirta caafimaadka ee Kenya ayaa dalbaday in dhamaan Xubnaha Ururkaasi guryo looga dhiso agagaarka isbitaalada ay ka howlgalaan.

Bayaan kasoo baxay agaasimaha guud ee Ururkaasi  Davji Bhimji, ayaa sido kale lagu baaqay la xoojiyo ammaanka dhammaan dhakhaatiirta caafimaadka.

Baaqan ayaa yimid kadib markii uu dhawaan geeriyooday sarkaal caafimaad oo lagu magacaabo Dr. Laban Langat kaasi oo tababar ku qaadanayaya isbitaalka Nakuru County Referral and Teaching Hospital.

Meydka Langat  ayaa subaxnimadii Sabtida laga helay god  ku yaala bannaanka hore ee qaybta dhalanka iyo hooyada ee isbitaalka Nakuru.

KMPDU ayaa sidoo kale dalbanaysa in baaritaan degdeg ah oo qotodheer lagu sameeyo dhacdadaasi si loo ogaado sababta dhimashadiisa.

Dhaqaatirta Caafimaadka ayaa dowaladda ka codsaday in ay sugto amaankooda si kadib markii ay kordheen kiisaska weerarka ee dhaqaatiirta loo gaysto.

Isbitaalka Naivasha ayaa waxaa lagu soo waramaya in nin qaraabo la ah qof bukaan ah oo isbitaalka ku dhintay uu qori ula soo baxay dakhaatiirta isagoo ku eedeeyay in ay dayaceen bukaanka.

Saraakisha caafimaadka ayaa ku baaqaya in boolis la geeyo dhamaan isbitaalada si amaankooda loo adkeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here