Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaa oo uu shalay gaaray isla markaana lagu sheegay sababta uu u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Sanadkii dhamaaday ee 2023-ka ayaa madaxweynuhu Galmudug ku sugnaa muddo dhowr bilood ah iyadoo halkaa uu muddadaas u joogay howlaha dagaalka.
Dowladda federaalka ayaa dhowr jeer sheegtay in ay soo gunaanadeyso wajigii koowaad ee dagaalka ay kula jirtao al-Shabaab isla markaana ay bilaabayso wajigii labaad, hase yeeshee dadka falanqeeya arrimahan ayaa qaarkood aaminsan in howgallada iyo dagaalka dowladdu waddo aaney u xooganeyn sidii markii uu bilowga ahaa.