Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Martha Koome, ayaa ku celisay sida ay Waaxda Garsoorka uga go’an tahay ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta isla xisaabtanka.
Koome oo maanta ka hadlaysay xaflada xil wareejinta ee madaxa diiwangelinta ee xilka ka sii dagaysa, Anne Amadi, ayaa sheegtay in guddiga adeega garsoorka (JSC) uu diyaar u yahay in uu xaliyo cabashooyinka ka dhanka ah garsoore ama sarkaal kasta oo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku nuux-nuux saday in cabashooyinka noocan oo kale ah ay tahay in ay si adag u raacaan nidaamka ku xusan dastuurka.
Waxaa ay sheegtay in guddiga uu wax ka qaban doono oo kaliya wixii cadeymo loo keeno isla markana unaan dhageysan doonin eedeymo aan la xaqiijin
Koome oo sidoo kale ah gudoomiyaha JSC ayaa ku boorisay garsoorayaasha iyo saraakiisha garsoorka in ay sii wadaan shaqadooda isla markana aynan dhageysanin eedeymaha looso jeediyay.