Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Ururka qareenada ee LSK oo maanta sameeyay mudaaharaad

Ururka qareenada ee LSK oo maanta sameeyay mudaaharaad

278
0

Ururka qareenada ee LSK ayaa maanta sameeyay mudaaharaad nabadeed oo ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin Garsoorka ka dib weerarradii aan kala joogsiga lahayn ee ka dhanka ahaa go’aannada maxkamadaha ee uu Madaxweyne Ruto ku qaaday Garsoorka.

Qareennada oo markii hore isugu soo baxay bannaanka hore ee maxkamadda sare iyaga oo uu  uu hoggaaminayay madaxweynaha LSK, Eric Theuri iyo hoggaamiyaha Wiper iyo  Kalonzo Musyoka ayaa ku dhaliilay madaxweyne Ruto inuu ku hanjabay inuu u hoggaansami doonin  amarrada maxkamadda.

Qareenada ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in garsoorayaasha  lagu cabsi geliyo inay soo saaraan amaro u xaglinaya dhanka waaxda fulinta.

Ururka LSK ayaa  xaqiijisay madaxa cadaalada, Martha Koome, iyo dhammaan garsoorayaasha dalka  in ay garab taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here