Home Wararka Caalamka(international news Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga oo sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed...

Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga oo sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

101
0

Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya

Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here