Home Wararka Caalamka(international news Madaxweyne Geelle oo ku baaqay shir deg deg ah oo looga...

Madaxweyne Geelle oo ku baaqay shir deg deg ah oo looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

112
0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in madaxda ururkaasi ay iskugu yimaadana shir aan caadi ahayn oo lagu qabto dalka Uganda 18-ka bishan Janaayo.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Jabuuti ayaa lagu sheegtay in shirkaasi looga wada hadli doono xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo weliba colaadda Suudaan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa sheegay in kadib markii uu wadatahsi sameeyey uu madaxwweynaha Uganda Yoweri Musvaeni aqbalay inuu shrikaasi martigeliyo.

Wasaarradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa ka codsadatay Xoghaynta IGAD inay samayso wadatashiyada lagama maarmaanka ah sidii ay waddamada xubnaha ka ah uga soo qaybgeli lahaayeen shirkaasi muddada iyo goobta la cayimay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here