Ugu yaraan 1,000 qoys oo ku nool Waaxda Ngaremara, ee ismaamulka Isiolo ayaa ku qasbanaaday in ay guryahoodii ka qaxaan iyadoo roobab mahiigaan ah ay wali ka da’ayaan dalka.
Madaxa Barnaamijyada Gaarka ah Abdullahi Hassan ayaa si kastaba ha ahaatee, u xaqiijiyay barakacayaasha in dowladdu ay garab istaagi doonto ilaa xaaladdu ay caadi ka noqoto.
Madaxa Barnaamijyada Gaarka ah Abdullahi Hassan ayaa shacabka ugu baaqay in ay is caawiyaan oo ay soo dhaweyaan dadkii soo barakacay.
Dhanka kale Wakiilka Waaxda hoose ee Ngaremara Peter Losu ayaa ka codsaday dowladda qaranka in ay bixiso lacagaha degdega ah ee loo qoondeeyay dowladaha si ay awood ugu siiso in ay si hufan wax uga qabtaan dhibaatada haysata barakacayaasha.