Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Susan Nakhumicha oo maanta daah furtay guddiga cusub ee...

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Susan Nakhumicha oo maanta daah furtay guddiga cusub ee Maamulka Caafimaadka Bulshada

132
0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Susan Nakhumicha, ayaa maanta daah furtay guddiga cusub ee Maamulka Caafimaadka Bulshada kaasoo kormeeri doona  hirgelinta 3-da lacag ee bedelaya Sanduuqa Caymiska caafimaadka Qaranka ee NHIF.

Guddigan ayaa ka kooban Dr Timothy Olweny oo ah Guddoomiyaha,Harry Kimtai oo ah  wakiilka Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Maaliyada , Ku-simaha agaasimaha guud ee caafimaadka Patrick Amoth, Francis Atwoli,Zakayo Kariuki, iyo Jacinta Mutegi.

Guddigan ayaa lagu magacaabay ogeysiis soo baxay 22-ka bisha Novemba.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii golaha wasiirada ay soo jeediyeen in meesha laga saaro sanduuqa

Caymiska Caafimaadka Qaranka ee NHIF kadib markii afar hindise sharciyeed la horgeeyay baarlamaanka.

Afarta hindise sharciyeed ayaa waxaa ansixiyay oo saxiixay Madaxweyne William Ruto.

kenyaanka ayaa wixii hada ka dambeeya heli doona daryeel caafimaad oo tayo leh,hufan oo  la awoodi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here