Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Kenya iyo Czech Republic oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale ah

Kenya iyo Czech Republic oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale ah

151
0

Kenya iyo Czech Republic ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale ah.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah warbaahinta ula qaateen Ra’iisul Wasaaraha Czech Republic Petr Fiala iyo Madaxweyne William Ruto ayuu Madaxweynaha ku sheegay  in heshiiskan iyo kuwa kale uu ballaarin doono dhoofinta badeecadaha qaaliga ah ee Kenya sida kafeega.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal ay ka go’an tahay ballaarinta xiriirka iyo sare u qaadida dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada iyada oo loo marayo mashaariic ay ka mid yihiin midda lagu badbaadinayo wiyisha cad ee woqooyiga ee ka dabar go’a xerada Olpejeta ee Nanyuki.

Waxa uu sheegay in Czech Republic ay ballan qaaday in ay taageerto Afrika inta lagu guda jiro shirka COP 28.

Labada dal ayaa sidoo kale kor u qaadi doona iskaashiga amniga iyo difaaca, caafimaadka, beeraha, tignoolajiyada, iyo duulista.

Madaxweyne Ruto ayaa ku ammaanay Czech Republic taageerada ay siisay cisbitaallada Malindi, Mbagathi, iyo Vihiga, isagoo sheegay in tallaabadani ay gacan ka geysan doonto sidii loo gaari lahaa caymis caafimaad oo caalami

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here