Dhulgariir cusub ayaa ku dhuftay galbeedka Afgaanistaan, dhowr maalmood kadib markii labo dhul gariir oo waaweyn oo ka dhacay gobolkaasi ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.
Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS) ayaa sheegtay in cabirka dhulgariirka lagu qiyaasay 6.3 uu ka dhacay meel u dhow magaalada Herat.
In ka badan boqolkiiba 90 dadka ku dhintay dhulgariirkii hore waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef.
Dhulgariirkii Sabtidii lasoo dhaafay ayaa ku dhuftay Zindajan, oo ah degmo miyi ah oo 40km u jirta Herat.
Bishii June ee sanadkii hore, gobolka Paktika ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariir cabirkiisu ahaa 5.9, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, tobanaan kun oo qofna ay ku guryo beeleen.