Xaaska Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon, Ali Bongo Odimba, ayaa xabsiga la dhigay, sida uu qareenkeeda u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Sylvia Bongo oo in muddo ah xabsi guri ku jirtay ayaa lagu eedeeyay in ay lunsatay hanti dadweyne.
Ninkeeda ayaa laga tuuray xafiiska 30kii bisii Agoosto.
Qareenkeeda oo lagu magacaabo Francois Zimeray ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xadhigeeda uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo sharci darro ah.
Mrs Bongo ayaa bishii hore lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag dhaqid, qaadashada hanti la xaday, iyo been abuur.
Wiilkeeda oo lagu magacaabo Noureddin Bongo Valentin ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwado la xiriira
musuq maasuq, wax isdaba marin waxaana lagu hayaa gacanta ka hor maxkmadeyntiisa.
Milateriga ayaa xukunka la wareegay wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in Cali Bongo uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Gabon.
Waxaa uu xilka hayay tan iyo 2009-kii markaas oo uu xilka kala wareegay aabihii oo dalka xukumayay 41 sano.