Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.
Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.
Souef waxaa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.
“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.
“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”
Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.
Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”