Xoghayaha joogtada ee wasaaradda amniga gudaha ee dalka Raymond Omollo ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii kor loogu qaadi lahaa amniga xuduudaha iyadoo xooga la saarayo Dekado badan oo laga soo galo ama laga baxo oo ku yaalla qeybaha kala duwan ee dalka.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda amniga gudaha ee dalka Raymond Omollo ayaa hadalkani jeediyey kadib markii uu kulan la qaatay wafdi ka socday Guddiga Xakameynta Xuduudaha iyo Xiriirinta oo Howlaha Wadatashiga Dadweynaha ka wado Ismaamulka Marsabit halkaas oo ay ka hirgeliyeen goob laga soo galo lagana baxo Kenya iyo Itoobiya.
Mr Omollo waxa uu ka codsaday dadka deegaanka Illeret in ay kala shaqeeyaan dawladda sidii loo xoojin lahaa ammaanka .
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda amniga gudaha ee dalka Raymond Omollo ayaa sidoo kale u xaqiijiyey dadka degan deegaanada Illeret iyo North Horr in goobahani la hawlgelin doono 60-ka maalmood ee soo socda si loo fududeeyo helista adeegyada dawladda iyo hagaajinta maamulka amniga ee deegaanka