Madaxweyne William Ruto ayaa xilal cusub oo dawladda ah u magacaabay shaqsiyaad kala duwan , isagoo Prof. Collins Odote Oloo u magacaabay guddoomiyaha golaha waxbarashada sharciga muddo saddex sano ah isagoo bedelaya guddoomiyihii hore ee Prof. Githu Muigai.
Ogaysiis rasmi ah oo ku taariikhaysan 5-tii Oktoobar ee sannadkan, ayuu madaxweynuhu sidoo kale dib-u-cusboonaysiiyey guddiga la-talinta ee awoodda , isagoo magacaabay 7 xubnood oo cusub.
Waxaa ka mid ah; Dr. Lorna Mutoro Mumelo, Patrick Musau Musila, John Kutswa Olaka, Dr. Edward Kibiwott Boor, Rev. Humpton Rogers Namu, Bishar Macallin Abdullahi, iyo Jane Wanjiru Kuria.
Wasiirk Wasaaradda Maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u, ayaa isla ogeysiiskaas ku waxaa uu ku magacaabay Xildhibaankii hore ee Galbeedka Kisumu Olago Aluoch inuu noqdo Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Degaannada ee (NG-CDF).
Wasiir Ndung’u ayaa sidokale magacaabay laba qof oo kale si ay uga mid noqdaan guddiga NG-CDF isla muddadaas, kuwaas oo kala ah; Janet Teiyaa iyo Masitsa Naomi Shiyonga.