Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay dhismaha garoon cusub oo loogu diyaar garoobayo Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2027-ka .
Golaha wasiiradda oo shir guddoominayay madaxweyne William Ruto oo ka dhacay aqalka madaxtooyada ee Nairobi ayaa lagu ansixiyay dhismaha cusub ee garoonka Talanta oo qaadhi doona 60,000 oo taagerayaal ah, kaas oo laga dhisayo Jamhuri ee magaalada Nairobi, wuxuuna ka mid yahay afar garoon oo ay Kenya soo bandhigtay oo lagu qabanayo tartanka 38-aad ee Koobka Qaramada Afrika ee 2027.
Garoonka cusub ayaa laga dhisi doonaa magaalada Nairobi si loogu diyaar garoobo horyaalka ay Kenya si wadajir ah ugu guuleysatay tartanka martigelinta Dalka ay jaarka yihiin bariga Afrika ee Tanzania iyo Uganda.