Home Wararka Caalamka(international news Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah oo...

Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah oo dhintay ka dib markii uu shil bas ka dhacay Talyaaniga

176
0

Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu shil bas ka dhacay meel buundo dheer ah oo u dhow magaalada Venice ee dalka Talyaaniga ka dibna  uu dab qabsaday, sida ay saraakiishu sheegeen.

Basku ayaa ka baxay xayndaabka oo waxa uu ku dhacay meel u dhaw wadooyinka tareenada ee degmada Mestre, kaas oo ku xira magaalada  Venice oo buundo ah.

Guddoomiyaha magaalada Michele Di Bari ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan shan Ukrain ah, mid Jarmal ah iyo darawal Talyaani ah.

Baska ayaa la aaminsan yahay in loo kireeyay si uu ugu qaado dalxiisayaal inta u dhaxaysa Venice iyo xero ku taal degmada Marghera ee u dhow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baska uu ku shaqeynayey gaaska methane-ka ka dibna uu ku dhacay xadhkaha korontada oo uu dab qabsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sare u kici karto.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay shilkan , waxaana goobta gaaray kooxaha  gurmadka degdega ah.

Ugu yaraan 18 qof ayaa la og yahay in ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo shan ka mid ah uu dhaawacoodu culus yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here