Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Kenya iyo Maraykanka oo dardar galinaya dhamaystirka heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Ganacsiga iyo...

Kenya iyo Maraykanka oo dardar galinaya dhamaystirka heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Ganacsiga iyo Iskaashiga Maalgashiga

119
0

Kenya iyo Maraykanka ayaa dardar galinaya dhamaystirka heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Ganacsiga iyo Iskaashiga Maalgashiga (STIP) si loo dhiirigaliyo maalgashiga u dhexeeya labada dal.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu madaxweyne William Ruto ku sheegay in heshiisku uu xoojin doono ganacsiga oo kordha, kor u qaadida wax soo saarka iyo abuurista shaqooyin.

Waxaa uu sheegay in Kenya iyo Maraykanku ay si gaar ah u danaynayaan iskaashiga xagga kaabayaasha, tamarta la cusboonaysiin karo, wax soo saarka cagaaran, iyo awood siinta ganacsiyada  yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (MSMEs), isaga oo ku tilmaamay wado muhiim u ah kobaca dhaqaalaha.

Labada dal ayaa sidoo kale sii wadi doona ka qayb qaadashada amniga gobolka, xallinta khilaafaadka, iyo la dagaalanka argagixisada ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Mareykanka Joe Biden oo uga mahad celiyay Kenya sida ay u aqbashay in ay hogaamiso Howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah  ee dalka  Haiti.

Madaxweyne Biden ayaa muujiyay taageerada Mareykanka ee howlgalkani.

Waxaa uu sidoo kale ugu hambalyeeyay Kenya sida guusha leh ee ay u martigelisay shirka cimilada ee Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here