Labo qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu dilay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay ismaamulka Gaarisa.
Sida ay sheegtay waaxda dambi barista ee DCI-da, qaraxa ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada, ka dib markii koox ka tirsan Al-Shabaab oo miino ku aasayeen waddo ku taalla kauntiga Gaarisa ay la qaraxday waxaana goobta ku dhintay labo ka mid ah kooxda, halka qaar kalena ay dhaawacyo halis ah la baxsadeen.
Ciidamada ilaalada xuduudaha ee kaamamka booliska ee ka agdhawaa goobta ayaa booqday xaruunta uu shilku ka dhacay oo ku teedsan wadada isku xirta Amuma iyo Ruqa, waxaana ay xaqiijiyeen dhacdadan subaxnimadii hore ee shaley.
Saraakiisha ayaa qaraxa ku tilmaamay mid xooggan ka dib markii ay ogaadeen qeybo ka mid ah jirka oo yaala goobta uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha ayaa tan iyo markaasi goobta ka sameeyay howlgalo roondo ah waxaa ayna ku raad joogaan kooxihii weerarka soo qaaday.