Dowladda kowntiga Kiambu ayaa 50 milyan oo shilin u qoondeysay diyaarinta maareynta musiibooyinka ee ka dhacaya kowntiga ka hor roobabka El Nino ee la filayo bilaha Oktoobar ilaa Janaayo.
Isaga oo la hadlayay waaxda deegaanka iyo kheyraadka biyaha, barasaabka Kiambu, Kimani Wamatangi, ayaa sheegay in maamulkiisa oo kaashanaya kooxda maareynta masiibooyinka ee countiga iyo dhammaan madaxda waaxyaha ee Kiambu ay dejiyeen xeelado wax looga qabanayo roobabka dheer ee la filayo inay da’aan si loo hubiyo in qof ka tirsan kowntiga uusan saameyn uga soo gaarin.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu xadhiga ka jaray beebabka biyaha ee la dhigi doono dhamaan deeganad hoos yimaada si ay biyo nadiif ah u gaadhsiiyaan 10,0000 oo guri.