Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa difaacay booliska dalka ka dib dhaleeceyn loo jeediyay oo ku saabsan qorshaha loogu daabulayo si kooxaha burcadda ah ee Haiti ula dagaalamaan.
Gachagua ayaa sheegay in booliska Kenya ay haystaan taariikh aad u wanaagsan adduunka oo dhan.
Waxaa uu dhanka kale ka dhawaajiyayb in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay in booliska Kenya ay hoggaamiyaan ciidamada caalamiga ah ee tagaya Haiti ka dib markii ay si buuxda u xaqiijiyeen wax soo saarkooda.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu Gachagua ku daray in QM ay siisay saraakiisha booliska Kenya in loo wakiishay inay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee xasilinta fowdada iyo kala dambeynta.