Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Shacabka ku nool Isiolo oo loogu baaqay inay u guuraan meelaha sare...

Shacabka ku nool Isiolo oo loogu baaqay inay u guuraan meelaha sare ka hor roobabka

222
0

Shacabka deggan Isiolo ee ku nool aagagga u nugul daadadka ee deegaanka Ires Aboru ayaa lagu amray inay u guuraan meelo sare ka hor roobabka El Nino ee la filayo.

Dhaqdhaqaaqyo ayaa ka jira deegaanadaas kadib markii ay dowladu soo xigatay goob cusub oo ay damacsan tahay in laga bilaabo deegaan cusub oo ka fog deegaannadii uu biyaha wabiga Ewaso Ngiro gaaray markii uu jabsaday xilli roobaadkii la soo dhaafay.

Sida uu sheegay Dancan Kipkoech, oo ah gudoomiyah dawladda dhexe u qaabilsan ismaamul hoosaadka Gabatula, in ka badan afar boqol iyo konton qof oo degan ayaan wali dhag jalaq u siinin baaqyada dowlada ee ah in ay u guuraan dhul sare oo ah meesha daadadku u nugul yihiin ee Ires- Aboru ee koonfurta Isiolo.

Sarkaalka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka ismaamulka in ay dadka deegaanka u fidiyaan gargaarka loo baahan yahay si ay ugu sahlanaato inay guuraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here