Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayo Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin, oo ay weheliyaan Wakiilka Hay’adda Labada Masjid ee Barakeysan iyo Qunsulka Guud ee Magaalada Quddus, ayaa maanta oo Talaado ah gaaray Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin.
Danjire Naa’if Al-Sedari, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in maanta uu booqday qeybo ka mid ah dhulka reer Falastiin.
War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Falastiiniyiinta ayaa lagu soo dhoweeyay booqashada safiirka Sacuudiga uu ku tagay Daanta Galbeed, waxaana booqashada Danjiraha Sacuudiga lagu sheegay imid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Falastiin iyo Sacuudi Carabiya.
Wasaaraddu ayaa qoraalkeeda ku bogaadisay mowqifka walaaltinimo iyo taageeridda ay Boqortooyada Sucuudiga la garab jogaan dadka reer Falastiin