Shaqaalaha caafimaadka ee ismaamulka Wajeer ayaa qaadanaya tababar 5 maalmood ah si kor loogu qaado awoodooda la socodka iyo maareynta cudurada la xiriira cimilada.
Barnaamijkan ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo maareynta kiisaska, iyo ilaalinta ku saleysan dhacdooyinka ee cudurrada iyo xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cimilada.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in abaarta daba dheeraatay kadib rajada hadda ee roobabka ElNino ee soo socda ay kordhin karaan khatarta ah in ay dillaacaan cudurrada biyaha ka dhasha sida duumada , Cholera, Dengue, iyo Rift Valley fever.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay hubinta in kooxaha daryeelka caafimaadka ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen inay wax ka qabtaan caqabadaha soo baxaya.
Ilaa iyo hadda wasaaradda caafimaadka ayaa qaaday tallaabooyin kala duwan oo lagu yareynayo oo ay ka mid yihiin wacyi-gelinta bulshada iyo samaynta khariidadda meelaha ay fatahaaduhu ka dhacaan ka hor roobabka El Nino ee la filayo.
Iyada oo qiraysa in dalka uu ka dillaaci karo cudurro ka dhasha biyaha, haddana wasaaradda ayaa sheegtay in la hayo dawooyin iyo shaqaale ku filan oo lagula tacaali karo cudur kasta.