Ugu yaraan 248 tababarayaal sare ayaa loo diray dhammaan 47-da ismaamul si loo dardargaliyo helitaanka Caymiska Caafimaadka guud -UHC.
Kooxdan ayaa maray afar maalmood oo ah barnaamijka tababbarka ee Tababbayaasha ee diyaarinta Shabakadaha Daryeelka Aasaasiga ah (PCNs) ee dalka oo dhan.
Iyada oo ka hadlaysay xaruunta Afya House markii ay si rasmi ah u macsalamasay kooxda, ayay Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha, Mary Muthoni, sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan balaadhinta Shabakadaha Daryeelka Aasaasiga ah (PCN) ee guud ahaan kowntiyada, sidaas darteedna ay kobcinayaan nidaam daryeel caafimaad oo adkeysi leh.
Muthoni waxaa ay sheegtay in wasaaraddu ay sidoo kale dhisi doonto 315 Shabakad Daryeelka Aasaasiga ah kuwaas oo mudnaan siin doona horumarinta caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada ee heerka hoose, taas oo sii xoojin doonta nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka.
Hawlgalka ayaa qeyb ka ah howlo horudhac u ah daah-furka daryeelka caafimaadka caalamiga ah, halku-dhigga sanadkan ee xuska maalinta Mashujaa oo lagu qaban doono ismaamulka Kericho 20-ka Oktoobar..