Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Madaxweynaha ee dalka William Ruto oo baaq xoogan u diray beesha...

Madaxweynaha ee dalka William Ruto oo baaq xoogan u diray beesha caalamka

186
0

Madaxweynaha ee dalka William Ruto  ayaa mar kale baaq xoogan u diray beesha caalamka .

Madaxweyne William Ruto ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay abaabulaan oo ay jiheeyaan kheyraadyadooda si wax looga qabto caqabadaha hortaagan Yoolalka Horumarineed ee Waara.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in wadamo badan qaasatan Qaaradda Africa ay ku adag tahay hirgelinta Yoolalka Horumarineed ee Waara madaam ay jiraan caqabadooyinka kala ah deynta ,sicir bararka ,isbadalka cimilada iyo dagaalo .

Madaxweyne Ruto  ayaa  ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, gaar ahaan dib u habeynta deymaha iyo tayeynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah (IFI).

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay markii uu si wadajir ah u shir guddoomiyay kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Horumarinta Joogtada ah ee wadahadalka ku saabsan adeegsiga Sayniska iyo Hal-abuurka Tignoolajiyada.

Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa kulan la qaatay  Ergada Imaaraatka Carabta (UAE) ee Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayey Madaxweynaha COP28 iyo Wasiirka Warshadaha iyo Tignoolajiyada Sare ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sultan Ahmed Al Jaber.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here