Madaxweynaha dalka Wiliam Ruto ayaa wadahadal la yeeshay dhigiisa Albania Bajram Begaj oo uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay.
Madaxweyne Ruto ayaa rajo ka muujiyay in xoojinta xiriirka Kenya iyo Albania uu sare u qaadi doono iskaashiga nabadda iyo ammaanka caalamiga ah marka laga soo tago furitaanka ganacsiga ballaaran iyo fursadaha maalgashi ee sare u qaadi doona kobaca labada dal.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Slovakia Zuzana Caputova waxyna ka wada hadleen inay Kenya ka taageerto hindisayaasha E-Mobility iyadoo la isticmaalayo tignoolajiyada casriga ah ee baytariyada elektaroonigga ah.
Waxaa ay sidoo kale labada hoggaamiye ku heshiiyeen inay iska kaashadaan horumarinta wax soo saarka bacriminta Kenya iyo awoodda amniga internetka