Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka go’aan tahay kor u qaadidda badqabka bukaanka iyo soo saarista siyaasado iyo istaraatejiyado la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha oo khudbad fogaan arag ah ka jeedisay shirweynaha caalamiga ah ee badqabka bukaanka 2023 ka dhacaya caasimadda Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay xooga saareyso ilaalinta bukaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka caafimaadka ee dalka ka jiro .
Ms Susan Nakhumicha ayaa carabka ku dhufatay in dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu gaarayo daryeelka guud ee caafimaadka UHC .
Shirka oo ay ka soo qaybgaleen hoggaamiyeyaasha caalamiga ah oo uu ka mid yahay agaasimaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Dr. Tedros Ghebreyesus, ayaa soo saaray goob muhiim ah oo loogu talagalay hoggaamiyeyaasha daryeelka caafimaadka si ay u qiimeeyaan horumarka iyo iskaashiga badbaadada bukaanka.