Barasaabka Ismaamulka Embu Cecily Mbarire ayaa la sheegay in ay tahay barasaabka ugu waxqabadka sareeyo dalka gudahiisa.
Warbixin ka hadleyso waxqabadka barasaabyada ee dalka oo ay soo saartay hay’adda ISS Africa ayaa lagu sheegay in barasaab bka Ismaamulka Embu Cecily Mbarire ay tahay barasaabka ugu waxqabadka sareeyo dalka gudahiisa kadib markii ay heshay boqolkiiba 65.4.
Barasaabka Ismaamulka Muranga Irungu Kang’ata iyo dhigiisa ee Ismaamulka Isiolo Abdi Guyo ayaa soo kala galeen kaalmaha labaad iyo sedeexaad kuwaasi oo kala helay 62.8 iyo 60.2 boqolkiiba sida ay u kala horeeyaan .
Barasaabka Ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo ayaa helay boqolkiiba 73.8 halka barasaabka ismaamulka Homa bay Gladys Wanga ay heshay boqolkiiba 70.5.
Sida laga soo xigtay la taliyaha hay’addani ISS ee Afrika Ben Mulwa, barasaabyada haweenka ayaa u soo baxay kuwa ugu waxqabadka wanaagsan labadaba dhanka Horumarka iyo Qiimaynta Ansixinta.
Barasaabka Ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa ka mid ah barasaabyada wax qabadkoodu hooseeyo .